Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dagaalkii ka dhacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo si toos ah farta ugu fiiqtay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kuna eedeysay inuu hurinayo colaado halis ku ah xasilloonida gobolka.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay dhacdada nasiib darrada ah ee sababay dhimasho iyo dhaawac, waxayna tacsi u dirtay shacabka ku waxyeelloobay dagaalkaasi.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay si degdeg ah u joojiyaan rabshadaha, islamarkaana shacabka deegaanka ay muujiyaan dulqaad iyo xasillooni.



From the comments