U bood dhigaalka

Khasaare badan oo ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud

Sheeko:War

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen, ku dhawaad 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed culus oo saakay ka dhacay deegaanka Meersiis, oo hoos yimaada degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu daba socday dilal horay uga dhacay meel u dhow deegaanka lagu dagaallamay taasoo sababtay in xiisaddu cirka isku shareerto una dambeyso dagaal hubeysan oo u dhexeeya laba beelood oo kasoo kala jeeda deegaannada Guriceel iyo Ceelbuur.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu bilaabmay waaberigii hore ee maanta islamarkaana uu socday saacado badan, iyadoo la adeegsaday hub culus.

Maamulka Galmudug ayaa ku fashilmay in uu wax ka qabto dagaal beeleedyadda kusoo laab laabtay deegaanada Galmudug.