Cabdirashiid Janan oo loo Magacaabay Madaxa NISA ee Gobolka Gedo

Muqdisho – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) ugu magacawday Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) u qaabilsan gobolka Gedo.
Wuxuu sidoo kale noqon doonaa Madaxa guud ee Hay’adaha Amniga ee gobolkaas.
Magacaabistan ayaa timid xilli Villa Somalia ay wado olole siyaasadeed oo xooggan oo la xiriira faragelinta maamulka Jubbaland, iyadoo qorshahani uu si gaar ah diiradda u saarayo gobolka Gedo kahor doorashooyinka la filayo inay dhacaan 2026.
Warar hoose oo laga helay ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in magacaabista Janan ay qayb ka tahay istiraatiijiyad Villa Somalia ay ku doonayso inay saameyn toos ah ugu yeelato xaaladda siyaasadeed ee Jubbooyinka, gaar ahaan Gedo oo ay horey ugu jirtay xiisad siyaasadeed iyo amni.
Qorshaha cusub ayaa beddelaya istaraatiijiyaddii hore ee lagu wajahayay Jubbooyinka, kaddib markii uu fashil ku yimid dadaalkii militari ee laga waday degmada Raaskambooni, taas oo hadda keentay in Villa Somalia ay xoogga saarto gobolka Gedo oo ay u aragto meel istaraatiiji ah.
Cabdirashiid Janan, oo horey usoo noqday wasiirka amniga Jubbaland, ayaa lagu tilmaamaa shaqsi saameyn ku leh gobolka, inkasta oo uu horey muran siyaasadeed iyo mid amni uga dhex abuurmay Jubbaland iyo dowladda federaalka.
Waxaa la filayaa in tallaabadan ay dhalin doonto falcelin siyaasadeed oo xooggan oo ka timaada dhinacyada Jubbaland, iyadoo xaaladda gobolka Gedo ay noqon karto mid sii cakiranta toddobaadyada iyo bilaha soo socda.