Baydhabo, Soomaaliya – Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabduqaadir Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Soo dhaweynta ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen saraakiisha hay’adaha amniga, maamulka degmada Baydhabo, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Wafdiga Wasiirka Amniga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda XFS, Mudane Isack Maxamuud Mursal, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta XFS, Mudane Maxamed Aadan Maxamed.




From the comments