Balad Xaawo, Gedo – Dagaal culus ayaa saaka ka qarxay magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, kadib markii uu halkaas gaaray Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee gobolka Gedo.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in dagaalku uu u dhexeeyo ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland, kuwaas oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan ka dhexeeyay, gaar ahaan arrimaha maamulka gobolka Gedo.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in rasaas culus iyo hubka waaweyn la isku adeegsanayo gudaha magaalada, taasoo cabsi gelisay shacabka deegaanka. Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda xarumo muhiim ah oo ciidan iyo maamulka gobolka ah.




From the comments