Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si kulul uga hadlay abaabulka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka waddo Bariga Gobolka Sool, isaga oo arrintan ku tilmaamay mid xadgudub ku ah madaxbannaanida Somaliland.
Isaga oo wareysi siiyey wakaaladda wararka ee Bloomberg, ayuu Madaxweyne Cirro caddeeyey in aan wax wada hadal ah lala geli karin Dowladda Soomaaliya inta ay gacanta ku hayso hawlo uu ku sifeeyey “dibi-daabyo ka dhan ah Somaliland.” Madaxweynaha ayaa yiri:
“Soomaaliya ma wada hadli karno, wada hadalna Somaliland lama gelayso, iyadoo qayb Somaliland ka mid ah ka abaabulayso maamul kale. Waxaanu nahay dad nabad jecel. Waanu difaacaynaa dalkayga iyo dadkayga.”




From the comments