Saaka aroortii hore ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya waxay bilaabeen howlgal ballaaran oo burburin ah oo ka socda Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in cagaf-cagafyo culus lagu soo daad gureeyay suuqa, halka waddooyinka soo gala deegaankaas lagu xiray xalay saqdii dhexe si aysan dadka iyo ganacsatadu u soo galin.
Axmed MacallinCumar oo Goobjoog la hadlay , ayaa yiri: “Waxaa muuqata in howlgalka uu si qorshaysan u dhacay, iyadoo aysan jirin cid ka socota mucaaridka dowladda oo goobta jooga. Dhulka suuqa waxaa durba la sheegay in iibkiisu bilowday.”




From the comments