Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa xalay ka hadlay suurtagalnimada in Maraykanku aqoonsado Somaliland, kaddib markii la weydiiyey haddii ay Washington diyaar u tahay in ay tallaabadaas qaado.
Trump ayaa sheegay in arrintaas ay hadda ku jiraan marxalad qiimayn iyo ka fiirsasho, isla markaana ay socdaan dadaallo lagu eegayo sida labada dhinac ay uga shaqayn karaan iskaashi dheef wadaag ah.
Hadalka Trump ayaa imaanaya xilli sii kordhayso hadal haynta ku saabsan in Somaliland hesho aqoonsi caalami ah, iyadoo xogaha la helayo ay muujinayaan in wada hadallo hoose ay ka socdaan dhinacyada labada dhinac.




From the comments