Sacuudi Carabiya ayaa hal maalin gudaheed ku fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu qaaday siddeed qof, kuwaas oo intooda badan lagu eedeeyay dambiyo la xiriira maandooriyaha.
Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga (SPA) ayaa xaqiijisay in afar muwaadin oo Soomaali ah iyo saddex qof oo Itoobiyaan ah lagu toogtay gobolka Najran ee koonfurta dalka, kaddib markii lagu helay dambiga ah inay dalka soo geliyeen xashiish. Sidoo kale, hal muwaadin Sacuudiyaan ah ayaa lagu toogtay dilka hooyadiis.
Falalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xukunnada dilka ah ee boqortooyada, kuwaas oo inta badan lagu beegsado muwaadiniinta ajnabiga ah ee lagu soo eedeeyo dambiyada maandooriyaha. Hay’adaha Reprieve iyo ESOHR ayaa ku tilmaamay arrintan “xaalad dilal aan hore loo arag” oo ka jirta Sacuudi Carabiya.




From the comments