Boosaaso – Ciidamo ka tirsan Puntland oo ka cabanaya daryeel la’aan iyo dayac ku saabsan xaaladdooda caafimaad ayaa maanta xirtay afaafka hore ee Cusbitaalka Boosaaso, iyagoo joojiyay isu-socodka gaadiidka iyo dadka ka gudba waddada.
Ciidamadan ayaa ah kuwii kusoo dhaawacmay dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad, waxaana ay sheegeen in muddo dheer aysan helin daryeel caafimaad, magdhow iyo kaalmo ay xaq u leeyihiin.
Tani waa markii saddexaad oo ciidamada dhaawacmay ee Puntland ay waddooyinka Boosaaso xiraan, iyagoo muujinaya cabashooyin soo noqnoqday oo aan illaa iyo hadda xal loo helin.




From the comments