Shiinaha oo si adag u garab istaagay Soomaaliya ka dib hadal kasoo baxay Senator Mareykan ah

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtay hadal kasoo yeeray Senator Mareykan ah oo ku baaqay in la aqoonsado Somaliland.
Qoraal rasmi ah oo ay soo saartay safaaradda ayaa lagu sheegay in hadalkaasi uu yahay faragelin toos ah oo lagu hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana uu dhaawacayo mabda’a xushmeynta madax-bannaanida iyo midnimada dalalka.
Safaaradda ayaa carrabka ku adkaysay in Shiinuhu weligiis garab taagnaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya, ayna mar kasta taageerayaan midnimada dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya.
Sidoo kale waxay ku celisay in mowqifka dowladda Shiinaha uusan isbeddelin, isla markaana ay ka soo horjeedaan talaabo kasta oo lagu wiiqayo madax-bannaanida iyo wadajirka Soomaaliya.
Shiinaha ayaa sheegay in wadashaqeyn dhow uu la leeyahay Soomaaliya, isla markaana uu sii wadi doono taageerada dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, si loo xaqiijiyo nabad iyo horumar waara.
Hadalka Shiinaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo dood xooggan ay ka dhalatay hadalka Senator-ka Mareykanka ee ku baaqay in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan, arrin si weyn uga careysiisay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.