38 sano ka dib Soomaaliya oo Japan u dirtay Safiir

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Amb. Hodan Cismaan Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ugu wareejisay Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Japan, Mudane Miyashita Tadayuki.
Amb. Hodan oo deegaan ku ah caasimadda Beijing, balse si rasmi ah uga shaqayn doonta labada safaaradood ee Soomaaliya ee Shiinaha iyo Japan, ayaa intii kulanku socday kala hadashay masuulka Japan qorshayaasha ay ka fulin doonto dalkaas iyo sida loo xoojin karo xiriirka laba geesoodka ah ee Muqdisho iyo Tokyo.
Danjiraha Soomaaliya ayaa sheegtay in mudnaanta koowaad ay siin doonto xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda, iyada oo rajo wanaagsan ka muujisay in xiriirka labada dal uu gaari doono heer cusub.
Dalka Japan ayaa safka hore kaga jiray waddamadii taageeray Soomaaliya markii ay xorriyadda ka qaadatay gumeystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska, waxana ay Tokyo tan iyo markaas ka fulisay mashaariic horumarineed oo muhiim u ahaa shacabka Soomaaliyeed.