Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka fulisay xukunkii qisaasta ee horay loogu riday laba eedeysane oo lagu helay dambiyo culus oo dilal qorsheysan ah.
Eedeysanayaasha la fuliyey xukunka ayaa kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Maaxi,” Yoonis, iyo Ibraahim Aadan Maadeey, kuwaas oo maxkamaddu ku xukuntay dil qisaas ah kadib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen qeybta jabhadaha iyo dilalka gaadmada ah ee Shabaab.
Saraakiisha amniga ayaa sheegay in eedeysanayaashu ay Muqdisho ka geysteen dilal qorsheysan oo lagu beegsaday dad qiime iyo miisaan ku lahaa bulshada dhexdeeda.




From the comments