U bood dhigaalka

Gabar Soomaaliyeed oo meydkeeda laga helay Hotel ku yaalla Nairobi

Sheeko:War

Booliiska magaalada Nairobi ayaa baaritaan culus ku bilaabay kaddib markii meydka gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Farhia Axmed, 35 jir, laga helay qol hotel ku yaalla xaafadda South B.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Farhia habeenimadii Axadda ay qol hotel ah wada kireysteen nin Kenyan ah oo lagu magacaabo Chelsea (Mcheche) Mwangi.

Subaxdii Isniinta, shaqaale nadaafadeed oo ka tirsan hotelka ayaa arkay meydka Farhia oo sariirta yaalla, kadib markii albaabka qolka oo furnaa.

Markii baaritaan hordhac ah lagu sameeyay meydka, waxaa ka muuqday dhaawacyo culus oo madaxa ah, dhiig ka soo baxay afka iyo sanka, iyo calaamado muujinaya in dhuunta la cadaadiyey. Booliiska ayaa sheegay in xaaladdu u muuqato fal dil ah.

Ninkii Kenyan-ka ahaa ee habeenkaas la joogay Farhia goobta lagama helin, waxaana booliisku sheegeen in uu baxsaday, iyagoo hadda baadi-goob adag ugu jira.

Kiiskan ayaa argagax ku abuuray bulshada Soomaaliyeed ee Nairobi ku nool, waxaana qoyskeeda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed cod dheer ku dalbanayaan in caddaalad degdeg ah la helo.