Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa soo dhawaysay natiijada warbixinta Global Peace Index (GPI) 2025, taas oo muujisay horumar la taaban karo oo dalka ka sameeyay dhanka amniga iyo xasilloonida gudaha.
Warbixintu waxay caddeysay in Soomaaliya ay ka baxday liiska tobanka dal ee ugu ammaan xun caalamka, iyadoo sanadkan ku jirta kaalinta 14aad, halka sanadkii 2022 ay ku jirtay kaalinta 6aad.
Horumarkan ayaa loo nisbeeyay dadaallada joogtada ah ee dowladda federaalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo xoogga saaray xoojinta amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo barnaamijyo dhiirrigeliya nabadda iyo xasilloonida siyaasadeed.




From the comments