U bood dhigaalka

Austria iyo Finland oo Adkeeyay Siyaasadda Dib-u-celinta Soomaalida

Sheeko:War

Midowga Yurub ayaa u muuqda inuu qaaday talaabo cusub oo cadaadis ku ah Soomaaliya, kaddib markii laba dal oo muhiim ah – Austria iyo Finland – ay si rasmi ah u adkeeyeen siyaasadda dib-u-celinta Soomaalida sharci la’aanta ku joogga dalalkooda.

Austria oo Masaafurisay Laba Nin Soomaaliyeed

Dowladda Austria ayaa markii ugu horreysay muddo 20 sano ah dalka ka dib dib celisay labo muwaadin Soomaaliyeed oo dambiyo ku galay gudaha Austria.

Labada nin ayaa laga dejiyay magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in ay dib ula midoobeen qoysaskooda.

Xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Austria ayaa sheegay in raggan lagu xukumay dambiyo la xiriira maandooriyaha, sidaas darteedna ay ahayd in dalkooda dib loogu celiyo.

Warbixin kale ayaa tilmaamtay in sanadkan oo keliya 648 Soomaali ah ay codsadeen magangelyo Austria, taas oo ka dhigtay Soomaalida qowmiyadda saddexaad ee ugu badan ee magangelyo doonka ah toddobadii bilood ee ugu horreeyay sanadkan 2025.

463 qof ayaa helay magangalyo buuxa.

334 qof ayaa loo oggolaaday inay sii joogaan sababo bani’aadantinimo.

12 qof ayaa helay sharciga deganaanshaha bani’aadantinimo.

Heerka aqbalaadda codsiyada sanadkan Austria ayaa lagu sheegay inuu gaaray 44%.

Finland oo Deeqihii Ku Xirtay Dib-u-celinta

Dhanka kale, Dowladda Finland ayaa toddobaadkan ku dhawaaqday in ay shuruud cusub ku xirtay deeqaha iyo mashaariicda ay siiso Soomaaliya.

Heshiiska cusub wuxuu dhigaya in taageeradaasi lagu xiray in Soomaaliya aqbasho dib-u-celinta muwaadiniinteeda sharci la’aanta ku jooga Finland.

Wasaaradda arrimaha gudaha Finland ayaa sheegtay in dalkeedu u baahan yahay iskaashi dhab ah oo lagu dardar-geliyo masaafurinta dadka aan helin magangelyo. Go’aankaasi wuxuu saamayn ku yeelan doonaa deeqaha horumarineed, mashaariicda bulshada, iyo guud ahaan xiriirka labada dal.

Labada tallaabo ee isku mar ka kala yimid Austria iyo Finland ayaa muujinaya jihada cusub ee Midowga Yurub ku wajahan dadka kasoo jeeda dalalka loo arko inay weli ka jiraan colaado iyo xasilooni darro. Wasiirka arrimaha gudaha Austria Gerhard Karner iyo dhiggiisa Jarmalka Alexander Dobrindt ayaa dhawaan ka hadlay sidii dadka sharci la’aanta ah ee Soomaalida u soo badanaya dib loogu celin lahaa.