Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub Xilli ay shuruud ku xireen deeqihii ay siin jireen Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro, ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeeyey danjiraha cusub, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada, nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.
Dhankeeda, Danjire Di Mauro, oo uga mahadcelisay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen, ayaa xustay in ay sii xoojin doonto iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha mudnaanta u leh labada dhinac.
Inta badan dalalka Midowga Yurub ay dhawaan ku xiray Shuruud dhaqaallihii ay siin jireen Soomaaliya iyagoo sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay aqbasho Dib u celinta qaxootiga sharci la’aanta ku ah dalalka Yurub.