Dhulkii Jaamacadda Ummadda oo la burburinayo

Sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen waxaa Saaka burburin xooggan ka socotaa dhulkii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ku yaalla Gahayr ee magaalada Muqdisho.
Goobtan ayaa kamid noqotay dhulal badan oo dowladdu beecisay, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in xaraashka dhulka Jaamacadda uu ka mid ahaa sababihii xilka looga qaaday Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Ummadda, Dr. Xasan Cusmaan Gacal, kaasi oo ka hor yimid qorshaha iibinta hantida Jaamacadda.
Jaamacadda Ummadda, gaar ahaan kuliyadda caafimaadka, ayaa horey u soo saartay digniino cad cad oo ku saabsan joojinta dhul boobka, waxayna ku sheegtay in dhulkan uu yahay mid muhiim u ah:
Waxbarashada ardayda caafimaadka.
Tababarka xirfadlayaasha caafimaad ee mustaqbalka.
Horumarinta adeegyada caafimaadka bulshada Soomaaliyeed.
Si kastaba, burburinta maanta ka socota goobta ayaa dhaliyay caro iyo dood siyaasadeed oo xooggan, iyadoo shacabka iyo bulshada aqoonyahannada ahi ay ku tilmaamayaan arrintan dhul-boob iyo khiyaano qaran.