U bood dhigaalka

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka dowladda Qatar?

Sheeko:War

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Sheikh Tamiim bin Xamad Aal Thaani, isagoo ku muujiyey taageerada buuxda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab istaagayaan Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si kulul u cambaareeyay duqeynta Israel oo lagu beegsaday guryaha ay deggan yihiin qaar ka mid ah madaxda Xamaas ee magaalada Doha, isagoo ku tilmaamay weerarkaasi mid fulaynimo ah oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah iyo qiyamka bini’aadantinimo.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in weerarradan ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah dhammaan heshiisyada iyo qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana ay horseedi karaan khalkhal amni oo baahsan.

Soomaaliya, ayuu yiri, waxay garab taagan tahay Qatar iyo shacabka reer Qadar xilligan adag.