Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyskii, eheladii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kadib markii 13-kii Sebteembar 2025 lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Jinacyo ee degmada Ceelbuux, gobolka Sanaag Nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim, oo kamid ahaa odayaasha caanka ah ee gobolka.
Dowladda ayaa ku tilmaamtay falkaas mid si cad u dhaawacaya nabadda iyo xasilloonida shacabka, waxayna cambaareysay diyaaradaha aan la garanayn ee ka howlgalaya hawada gobolka Sanaag, kuwaas oo ku beegsaday dadka rayidka ah.
Sidoo kale, Dowladda Waqooyi Bari ayaa ugu baaqday shacabka gobolka Sanaag in codkooda la maqlo loona tixgeliyo cabashooyinkooda, iyadoo ka digtay fal kasta oo lid ku ah nabadda iyo dareenka shacabka.




From the comments