Ganacsade lagu dilay Gaalkacyo

Saaka subax hore ayaa magaalada Galkacyo gaar ahaan waqooyigeeda lagu dilay Alle ha u naxariistee Ganacsade Siyaad cali Xirsi oo ka mid ahaa ganacsatada caan ka ahaa magaalada.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dabley hubeysan ay ku toogteen marxuumka agagaarka masjidka Timirre xilli uu kasoo baxay salaad.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dilku la xiriiri karo aano qabiil oo muddo dheer ka dhex taagneyd laba Beelood.
Marxuum Siyaad ayaa asal ahaan kasoo jeeda deegaanka Towfiiq ee bariga gobolka Mudug. Dilkiisa waxa uu naxdin iyo cabsi ku abuuray bulshada Galkacyo oo marar badan la daalaa dhacda falal noocan oo kale ah.
Dhacdo hore oo la mid ah
Todobaadkii hore ayaa sidoo kale Galkacyo loogu dilay dhaqtar magaaladu si weyn u taqaanay, taas oo sare u qaaday walwalka ku saabsan amniga magaalada.
Xaaladda hadda jirta
Ciidamada ammaanka Puntland ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin dilka, mana jirto cid loo soo qabtay. Bulshada deegaanka ayaa dalbanaya in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu joojiyo dilalka aargoosiga iyo colaadaha beeleed ee soo noqnoqday.