Ciidanka Booliska degmada Godinlabe ayaa xabsiga dhigay koox dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay si aflagaado ah ugu heeseen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo isticmaalayay heesta caanka ah ee “Birmade Xasan Sheekh” oo ay u rogeen qaab ka dhan ah sharafta Madaxweynaha.
Booliska ayaa sheegay in dhalinyaradan ay muuqaallo ku duubeen baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, halkaas oo ay ku faafiyeen muuqaal ay ku dhaleeceynayeen Madaxweynaha, taasoo loo arkay aflagaado iyo ku xadgudub sumcadda hay’adda madaxtinimada qaranka.
Sida uu sheegay sarkaal boolis oo la hadlay warbaahinta deegaanka, “Waxaan u qabannay dhalinyaradan in ay jebiyeen xeerarka, iyagoo isticmaalaya fursadaha baraha bulshada si ay u dhaawacaan sharafta Madaxweynaha iyo dowladda.”




From the comments