Taliyaha Guud ee Booliska Dalka Eswatini, Manoma Vusie Masango, ayaa ku booriyay 32 askari oo katirsan Booliska Qaranka Eswatini (REPS) in ay muujiyaan anshax, sharaf, iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha xilli ay u diyaar garoobayaan ka qeybgalka howlgalka AUSSOM ee magaalada Muqdisho, Soomaaliya.
Xafladdii lagu soo xirayay tababarka Booliska oo lagu qabtay xarunta Operational Support Services Unit (OSSU) ee Ngonini, ayuu Masango ku adkeeyay saraakiisha in ay xusuustaan masuuliyaddooda ah in aysan matalayn oo keliya Eswatini, balse ay sidoo kale difaacayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah meel colaado ka jiraan.
“Waxaad muujiseen niyad daacad ah oo ku aaddan sida dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada nabadda iyo xasilloonida qaaradda,” ayuu yiri Masango.




From the comments