Soomaaliya oo si weyn u soo dhawaysay taageerada Masar

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhawaysay bayaanka Dowladda Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kaas oo mar kale muujiyey taageerada buuxda ee ay u hayso shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga iyo horumarka dalka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya war kasoo baxay ayaa yiri: “Bayaanka Jamhuuriyadda Masar wuxuu caddeyn u yahay xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee naga dhexeeya. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa taageerada joogtada ah ee Masar ku bixinayso dhanka amniga iyo dhismaha hay’adaha dawliga ah.”
Bayaanka Masar ayaa kusoo beegmay xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad adag oo ay xoogga saaraysay xoojinta hay’adaha amniga iyo ka hortagga khataraha argagixisada. Taageerada Masar, oo ay ku jirto ka qaybqaadashada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa loo arkaa mid lagama maarmaan ah.