U bood dhigaalka

Kala Bar Carruurta Soomaaliyeed oo Wajahaya Nafaqo-darro Halis ah iyadoo Gargaarkii la Jaray

Sheeko:War

Ku dhowaad kala bar carruurta Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay shanta sano ayaa wajahaya khatar nafaqo-darro ba’an marka la gaaro bartamaha 2026, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Save the Children. Tani waxay ka dhalatay isbiirsiga dhibaatooyin kala duwan iyo yaraanta gargaarka bani’aadannimo ee la heli karo.

Warbixinta cusub ee Integrated Food Security Phase Classification (IPC) ayaa muujisay in gaajada dalka Soomaaliya ay korodhay 30% sanadkan, iyadoo koonfurta Soomaaliya ay tahay meesha ugu daran. Waxaa hadda la saadaalinayaa in 4.4 milyan oo qof ku dhowaad rubuc dadka Soomaaliyeed ay wajihi doonaan heerar sare oo cunto yari ah dhammaadka 2025.

Qiyaasaha ayaa intaas ku daraya in ka badan 921,000 qof ay ku jiraan xaalad degdeg ah oo cunto la’aan ah (Phase 4), taas oo u baahan tallaabooyin degdeg ah si loo badbaadiyo nafaha iyo nololmaalmeedka bulshada.

Tirakoobyadu waxay muujinayaan in tirada carruurta Soomaaliyeed ee nafaqo-darrada daran ku dhacaysa ay gaari doonto 1.85 milyan marka la gaaro Luulyo 2026, taas oo ka dhigan koror 9% ah marka loo eego saadaashii hore. Tani waxay u dhigantaa in ku dhowaad 48% dhammaan carruurta Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay shanta sano ay la kulmi doonaan nafaqo-darro.

Save the Children waxay sheegtay in hoos u dhaca maalgelinta caalamiga ahi uu sababay xiritaanka xarumo nafaqeed iyo caafimaad oo badan, iyadoo in ka badan rubuc xarumihii ay hay’addu taageeri jirtay la xiray tan iyo bishii Juun. Taas ayaa sababay in 55,000 carruur ah ay waayaan adeegyo badbaado leh.

Waxaa intaas dheer in hoos u dhaca tallaalka uu keenay in cudurro faafa oo halis ah, sida faafitaanka cudurka difteria, ay sii kordhaan.

Binyam Gebru, oo ah ku-simaha Agaasimaha dalka ee Save the Children Soomaaliya, ayaa yiri:

“Soomaaliya waxa ay ku jirtaa qalalaase soo jiitamayay muddo dheer, taas oo si tartiib ah u wiiqaysa awoodda qoysaska iyo caafimaadka carruurta. Gaajo aad u daran ayaa horeba u jirtay, balse sanadkan way kasii xumaatay sababtoo ah waxaan wajahnaa jarista deeqaha. Waxaan aragnaa carruur badan oo xaalad halis ah ku soo gaaraya xarumahayaga caafimaadka, iyadoo meelo badan oo adeegyo laga heli lahaa la xiray.

Save the Children waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha in si degdeg ah loo soo celiyo loona ballaariyo adeegyada nafaqada, caafimaadka iyo biyaha nadiifka ah, iyadoo digniin laga bixiyay in haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin ay khatar ku jirto nolosha boqolaal kun oo carruur Soomaaliyeed ah. Soomaaliya oo Khudbad Ka Jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay