Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta ku qabsoomay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Jubaland iyo Puntland, oo ay kala hoggaaminayaan Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyo sidoo kale wakiillo ka socday Madasha Samatabixinta Soomaaliya.
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Raysul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Raysul Wasaarihii hore Saacid Shirdoon iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Intii uu socday shirka ayaa lagu falanqeeyay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarka, iyadoo diiradda la saaray sidii loo heli lahaa mustaqbal xasiloon oo horseeda dowladnimo iyo horumar dhaqaale oo waara.




From the comments