WFP: Hoos u dhac ku yimid Gargaarka Cunnada Soomaaliya sababo la xiriira dhaqaalle yari

Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa ku dhawaaqday in ay si weyn u dhimeyso gargaarka cunnada ee ay gaarsiiso boqolaal kun oo qof oo Soomaaliyeed, kaddib markii ay la kulantay yaraanta dhaqaale ee ugu xun sanado badan xilli malaayiin qof ay la tacaalayaan gaajo daran iyo saameynta isbeddelka cimilada.
Agaasimaha diyaarinta iyo gurmadka degdegga ah ee hay’adda, Ross Smith, ayaa sheegay in xaaladda gaajada Soomaaliya ay si khatar ah u korayso, halka awooddii hay’addu ay hoos u sii dhaceyso maalinba maalinta ka dambeysa.
“Waxaan arkaynaa koror khatar ah oo ku yimid heerarka gaajada, awooddeennuna si degdeg ah ayey u yaraanayaan. Haddii aan maalgelin degdeg ah la helin, kumannaan qoys oo durba sabool ah ayaa noqon doona kuwo gebi ahaanba laga tago,” ayuu yiri Smith.
Hoos u dhac ballaaran oo ku yimid gargaarka
WFP ayaa sheegtay in tirada dadka Soomaaliya ka helaya gargaarka cunnada degdegga ah ay hoos uga dhacayso 1.1 milyan oo qof bishii Agoosto ilaa 350,000 bishii November, taasoo micnaheedu yahay in boqolkiiba 70 dadka u baahnaa ay lumin doonaan taageerada.
Warbixinta ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay ayaa muujineysa in 4.6 milyan oo qof ay hadda ku jiraan heerar kala duwan oo gaajo ah, halka 1.8 milyan oo carruur ah ay la ildaran yihiin nafaqo darro halis ah, kuwaas oo 421,000 kamid ahi ay wajahayaan xaalad adag.
WFP ayaa hadda awood u leh in ay caawiso oo keliya 180,000 carruur ah, taas oo aad uga hooseysa baahida dhabta ah.
Caqabadaha is biirsaday: Cimilada, colaadda, iyo jarista deeqaha
Soomaaliya waxay la tacaaleysaa abaaro iyo fatahaado isdaba joog ah oo la xiriira isbeddelka cimilada, iyo sidoo kale colaado iyo amni darro ay wadaan kooxaha hubeysan sida Al-Shabaab, kuwaas oo carqaladeeya gaarsiinta gargaarka.
Dhinaca kale, jarista deeqaha Mareykanka ee USAID ayaa sii adkaysay xaaladda, iyadoo hay’adaha samafalka ay sheegayaan in la dhimay barnaamijyo muhiim ah oo lagu taageerayay dadka nugul.
Baahida degdegga ah ee maalgelinta
WFP ayaa sheegtay in ay u baahan tahay $98 milyan oo doollar si ay u sii waddo ugu yaraan howlaha badbaadinta nolosha ee 800,000 qof inta lagu jiro xilliga adag ee gaajada ee soconaya ilaa Maarso 2026.
Hay’adda ayaa ku baaqday in beesha caalamka, deeq bixiyeyaasha, iyo dowladaha ay si degdeg ah uga jawaabaan si looga hortago musiibo bini’aadantinimo oo ka sii dartay.