Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadallo muran dhaliyay ka jeediyay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad isagoo la joogay Ra’iisul Wasaaraha Kanada Mark Carney, halkaas oo uu kaga hadlay arrinta xiritaanka dowladdiisa iyo hoggaanka xisbiga Dimuqraadiga.
Trump ayaa sheegay in Dimuqraadigu aysan lahayn hoggaan muuqda, isagoo tusaale u soo qaatay Soomaaliya. “Waxaan helayaa wicitaanno ka imaanaya xubno Dimuqraadi ah oo doonaya inay ila kulmaan. Magacyadoodana hore uma aqoon. Waxay sheeganayaan inay yihiin hoggaamiyeyaal Dimuqraadigu hoggaan ma leh. Waxay i xasuusiyaan Soomaaliya,” ayuu yiri Trump.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xayiraadda dowladda ee socota ay siisay fursad uu ku baabi’iyo barnaamijyo uu ku tilmaamay “musuq iyo khasaaro dhaqaale.”




From the comments