U bood dhigaalka

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka kadib 32 sano

Sheeko:War

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ansixiyey qaraar taariikhi ah oo Soomaaliya si rasmi ah ugu wareejinaya maareynta madaxa bannaan iyo waajibaadka qaranka ee arrimaha xuquuqul insaanka, tallaabadan oo ka dhigan in dalka laga qaaday nidaamkii korjoogtada ahaa ee jiray tan iyo 1993-kii.

Go’aankan ayaa lagu gaaray kulankii Golaha Xuquuqul Insaanka ee ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaas oo Soomaaliya ay ka heshay taageero ballaaran oo caalami ah.

Tallaabadan ayaa meesha ka saareysa magacaabista Khabiirka Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, oo dalka loo soo magacaabi jiray labadii sanadoodba mar si uu ula socdo xaaladda xuquuqda aadamaha.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ambassador Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, oo hoggaamineysa wafdiga Soomaaliya ee ku sugan Geneva, ayaa arrintan ku tilmaantay “guul taariikhi ah oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed”, iyadoo sheegtay in Soomaaliya hadda ay u gudubtay marxalad cusub oo kalsooni iyo madax-bannaani dhanka xuquuqul insaanka ah.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah guulaha isdaba-joogga ah ee Soomaaliya ka gaartay fagaarayaasha caalamka, waxaana horey dalka ugu suurtagashay in laga qaado cunaqabateyntii hubka iyo sidoo kale in la cafiyo deymaha waaweyn ee saarnaa.

Khadiija Al-Makhzoumi ayaa intaas ku dartay in go’aankan uu muujinayo in bulshada caalamka ay garwaaqsatay horumarka Soomaaliya ka samaysay dhisidda hay’adaha dowladeed, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyo la-dagaallanka xadgudubyada.