Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Dowladda iyo Shacabka Qatar
Sheeko:War

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka muujisay murugo iyo tacsi tiiraanyo leh oo ay u dirtay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar, kaddib shil gaari oo xanuun badan oo saaka aroortii hore ka dhacay meel u dhow magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar, kaas oo sababay geerida saddex xubnood oo ka tirsan Diwaanka Amiirka ee Qatar iyo dhaawaca labo kale.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda uga garab taagan tahay hoggaanka, dowladda iyo shacabka Qatar, iyadoo alle uga baryeysa inuu naxariistii janno ka waraabiyo kuwii geeriyooday, dhaawacyadana si degdeg ah u bogsiiyo.