U bood dhigaalka

Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay taageerada amniga iyo hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Sheeko:War

Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Moukhtar Osman Kaire, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay wafdi ka socday Midowga Yurub (EU) oo uu hoggaaminayay Safiirka Midowga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya, Marwo Francesca Demichelis.

Kulanka oo ka dhacay xarunta hawlgalka AUSSOM (African Union Support and Stabilization Mission in Somalia) ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee ku aaddan nabad-dhisidda iyo xasillinta Soomaaliya.

Danjire Kaire ayaa wafdiga uga warbixiyay caqabadaha dhaqaale ee haysta Hawlgalka Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika iyo saameynta ay arrintaasi ku yeelatay hawlgallada ciidamada AUSSOM.

Wuxuu sidoo kale si faahfaahsan uga hadlay xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan ee kale.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka AUSSOM S/Guud Sam Kavuma iyo Taliyaha Booliska Hillary Sao Kanu, kuwaas oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan hawlgallada amni ee socda iyo kaalinta ay ciidamada Midowga Afrika ka qaadanayaan sugidda amniga magaalooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee dalka.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay dheereynta muddada ay sii joogi doonaan ciidamada Burundi ee ka tirsan AUSSOM, iyo qorshaha lagu beddeli doono ciidamo cusub oo ka socda Masar (Egypt), si loo hubiyo in aysan jirin farqi amni ama tabar-darro ku timaada hawlgalka marka kala guurku dhaco.

Waxaa intaa dheer in la isla meel dhigay in dib loo habeeyo doorarka kala duwan ee ciidanka milatariga, booliska iyo qaybaha shibilka, si loo dardargeliyo howlaha nabad-dhisidda iyo taageerada bulshada rayidka ah, taas oo muhiim u ah xasillinta waarta ee Soomaaliya.

Danjire Kaire ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada ay si joogto ah u siiyaan hawlgalka AUSSOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in iskaashigan uu muhiim u yahay ilaalinta amniga iyo dowlad-dhiska dalka.

Dhankiisa, Safiiradda Midowga Yurub Marwo Francesca Demichelis ayaa xaqiijisay sida uu Midowga Yurub uga goโ€™an yahay in uu sii wado taageerada dhaqaale iyo midda farsamo ee lagu xoojinayo hawlaha nabad-dhisidda iyo amniga Soomaaliya.