Soomaaliya oo Ku Wajahan Inay Noqoto Dalalka Ugu Xoolo Dhoofinta Badan Caalamka

Soomaaliya ayaa sanadkan 2025 lagu wadaa inay jebiso rikoodhka dhoofinta xoolaha, iyadoo la filayo in dakhliga guud ee kasoo xaroonaya dhoofinta xoolaha uu dhaafo $1 bilyan oo doollar. Tani waxay Soomaaliya ka dhigaysaa mid ka mid ah dalalka ugu sarreeya caalamka ee dhoofiya xoolaha nool, sida lagu sheegay warbixin ay si wadajir ah u soo saareen Bloomberg iyo Wasaaradda Xoolaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Koror Joogto ah Afartii Sano ee Ugu Dambeysay
Warbixintu waxay muujisay in Soomaaliya ay afartii sano ee la soo dhaafay si joogto ah u kordhisay dhoofinta xoolaha, iyadoo wadarta guud ee dhoofkeedu gaaray $2.9 bilyan oo doollar.
Sanadkii 2021 waxaa la dhoofiyay xoolo qiimahoodu ahaa $523 milyan
2022 wuxuu gaaray $558 milyan
2023 wuxuu ku dhowaa $861 milyan
2024-na wuxuu kor u dhaafay $974 milyan
Sannadkan 2025 ayaa la saadaalinayaa inuu noqdo kii ugu sarreeyay, iyadoo qiimaha dhoofka la filayo inuu dhaafo hal bilyan oo doollar.
Australia iyo Suudaan oo Hoos U Dhacay – Soomaaliya oo Fursad Heshay
Dalka Australia oo kamid ahaa suuqyada waaweyn ee xoolaha dhoofiya, iyo Suudaan oo dagaallo culus ay curyaamiyeen, ayaa labaduba hoos u dhigay dhoofkooda. Fursaddaas ayay Soomaaliya si wanaagsan uga faa’iidaysatay, iyadoo ah dal hodan ku ah xoolaha nool – lana qiyaaso inuu leeyahay in ka badan 60 milyan oo neef oo xoolo ah (geel, ari, lo’ iyo ido).
Soomaaliya ayaa sanad kasta u dhoofisa 4 ilaa 6 milyan oo neef suuqyada Khaliijka, gaar ahaan Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Baxrayn iyo Cumaan, kuwaas oo xoolaha Soomaaliyeed ugu ixtiraama tayadooda iyo caafimaadkooda.
Dakhliga Xoolaha oo Dhaafay Miisaaniyadda Dowladda
Warbixinta ayaa tilmaantay in dakhliga dhoofinta xoolaha uu hadda dhaafay dakhliga gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhan $430 milyan sanadkii, taasoo muujineysa awoodda dhaqaale ee ku jirta khayraadka dabiiciga ah ee dalka, haddii si habboon loo maareeyo.
Xoolaha nool ayaa noqday laf-dhabarka dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo boqolkiiba weyn oo kamid ah bulshada Soomaaliyeed ay ku tiirsan yihiin ganacsigan si toos ah ama si dadban.
Ma Ka Maarmi Karaan Soomaaliya Deeqaha Dibadda?
Iyadoo xoolaha keliya ay dalka u keenayaan balaayiin doollar sannad kasta, ayaa haddana su’aal muhiim ah taagan tahay: Soomaaliya ma ka maarmi doontaa deeqaha caalamka haddii ay si hufan u maamusho dhoofkeeda xoolaha iyo kheyraadkeeda kale?
Khubarada dhaqaalaha ayaa sheegaya in haddii la xoojiyo nidaamyada caafimaadka xoolaha, shahaadooyinka caalamiga ah, iyo kaabeyaasha dekedaha, Soomaaliya ay awoodi karto inay laba-laabto dakhligeeda dhoofinta xoolaha.