Baarlamaanka dalka Japan ayaa maanta si rasmi ah u doortay Sanae Takaichi inay noqoto Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Japan, taasoo ka dhigeysa haweeneydii ugu horreysay ee taariikhda casriga ah ee dalkaasi qabata xilkan sare.
Doorashadan ayaa timid kaddib markii ay si rasmi ah ugu guuleysatay tartankii hoggaanka xisbiga talada haya ee Liberal Democratic Party (LDP), iyadoo cod aqlabiyad ah kaga adkaatay musharixiintii kale.
Sanae Takaichi, oo caan ku ah aragtideeda siyaasadeed ee adag iyo taageerada qiyamka dhaqanka Japan, ayaa ballanqaadday inay xoogga saari doonto dib u habeynta dhaqaalaha, amniga qaranka iyo horumarinta tiknoolajiyadda.




From the comments