Ciidamada Badda ee Pakistan, oo ka socda howlgalka Ciidamada Iskaashiga Badda ee uu hoggaamiyo Sacuudiga (CMF), ayaa ku guuleystay qabashada daroogo qiimaheedu ku dhow yahay hal bilyan oo doolar, kadib markii ay baaritaan ku sameeyeen laba doon oo marayay Badweynta Carabta.
Bayaanka uu soo saaray CMF ayaa lagu sheegay in toddobaadkii hore ay ciidamada Pakistan guda galeen laba howlgal oo socday 48 saacadood. Intii uu howlgalka socday waxaa gacanta lagu dhigay daroogo lagu qiyaasay in ka badan $972 milyan oo doolar.
CMF waa shabakad ka kooban 47 dal oo iska kaashanaya ilaalinta iyo kormeerka badda.




From the comments