Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan koox eedeysanayaal ah oo lagu qabtay iyagoo ku guda jira fal dhac ah oo ka dhacay degmada Garasbaaley, gaar ahaan waaxda Siinka-dheer.
War kasoo baxay Saldhigga Garasbaaley ayaa lagu sheegay in hawlgal qorsheysan oo ciidanku sameeyeen lagu soo qabtay eedeysanayaashan, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay dhaca iyo cabsi gelinta shacabka deegaanka.
Booliska ayaa tilmaamay in eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh, si loogu fuliyo caddaalad loona waafajiyo sharciga dalka u yaalla.




From the comments