Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta shaaca ka qaaday in Puntland aysan marna ka aamusi doonin xaaladda dalka, isagoo sheegay in ay qaadan doonaan door muhiim ah oo lagu badbaadinayo Soomaaliya.
Deni ayaa sheegay in tallaabadan ay hor kacayaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid ka kooban Puntland, Jubbaland iyo mucaaradka ku sugan magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay dalka ku hoggaaminayso jihada qaldan, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo isbeddel degdeg ah.




From the comments