Warsidaha caalamiga ah ee Middle East Eye ayaa daabacay warbixin uu ku faahfaahinayo caddeymo la sheegay in ay muujinayaan in Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso uu noqday marin muhiim ah oo laga gudbiyo agab ciidan iyo saanad loogu talagalay Jabhadda RSF ee ka dagaallanta dowladda Suudaan.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Boosaaso ay noqotay meel istiraatiiji ah oo ay maraan diyaarado iyo gaadiid lagu wado agab ciidan, inkastoo aan weli la hayn caddeymo rasmi ah oo si toos ah u xaqiijinaya arrintan.
Sidoo kale, wargeysyada The Wall Street Journal (WSJ) iyo The Guardian ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay soo bandhigay warbixino ay ku sheegayaan in Boosaaso ay noqotay xarun lagu soo dejiyo calooshood u shaqaystayaal dagaal (mercenaries) oo la sheegay in ay ka barbar dagaallamayaan ciidamada RSF ee Suudaan.




From the comments