Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID) ee dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay kororka tahriibka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in ay bilaabeen tallaabooyin lagu bartilmaameedsanayo dadka ku lugta leh tahriibinta iyo ganacsiga dadka (human trafficking).
Sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka CID, waaxda baaristu waxay heshay xog muujinaysa in toddobaadyadii u dambeeyay uu sii kordhay tirada dhallinyarada ka ambabaxaysa dalka, gaar ahaan kuwa u socda dhinaca dalalka Masar, Liibiya, iyo Yemen, iyadoo intooda badan ay ku dhintaan ama ku xayirmaan safarkaasi khatarta badan.
Hoggaanka CID ayaa sheegay in ay si dhow ula shaqeynayaan hay’adaha amniga iyo kuwa caalamiga ah si loo helo shabakadaha dadka tahriibiya, loona soo qabto cid kasta oo qayb ka ah hawlahaasi sharci-darrada ah.




From the comments