Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa markii ugu horreysay si cad u qiray in diyaarado ka duula magaalada Boosaaso ee Puntland ay safarro ku tagaan dalka Suudaan, halkaas oo ay wax geeyaan, inkastoo uu sheegay inuusan si rasmi ah u ogeyn waxa ay diyaaradahaasi sidaan.
Wasiir Fiqi oo la hadlay Aqalka Sare ayaa yiri, “Waxaan shacabka hortooda ka qirayaa in diyaarado ay Boosaaso ka duulaan oo Suudaan ay wax geeyaan, lakiin aniga xog rasmi ah kama hayo waxa ay geeyaan.”
Qirashada Wasiirka ayaa imaneysa xilli warbixinno caalami ah oo ay daabaceen wargeysyada The Guardian, Wall Street Journal, iyo Middle East Eye ay shaaciyeen in Garoonka Boosaaso loo adeegsado sidii marin lagu dhoofiyo agab ciidan iyo saanad lagu taageerayo jabhadda RSF ee dagaalka kula jirta dowladda Suudaan.




From the comments