Jacob Frey ayaa markale ku guuleystay doorashadii Maayarnimada magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, isagoo ka adkaaday musharixiintii la tartamayay.
Frey, oo markii ugu horreysay xilka la wareegay sanadkii 2018, ayaa sidaas ku noqonaya maayarka sii hoggaamin doona magaalada mudda xilli kale.
Intii uu xilka hayay, Jacob Frey wuxuu wajahayaay caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin dibadbaxyadii waaweynaa ee ka dhashay dilkii George Floyd iyo dib-u-habeynta laamaha ammaanka ee magaalada. Inkastoo ay jireen dhaliilo, haddana taageerayaashiisu waxay sheegeen inuu si dhab ah ugu shaqeeyay hagaajinta xiriirka bulshada iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.




From the comments