Madaxweyne Zelenskyy oo qaabilay Safiirka Soomaaliya ee Ukraine
Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa maanta aqbalay waraaqaha aqoonsiga ee Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doonnaa Ukraine, Mohamed Abdullahi Ahmed, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Ukraine.
Intii ay socotay kulanka, Madaxweynaha Ukraine ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed mowqifkooda cad ee ku aaddan taageerada madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Ukraine, xilli uu dagaal adag kula jiro Ruushka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan horumarinta iskaashiga dhinaca beeraha iyo fursadaha ganacsi ee u dhexeeya labada dal.
Madaxweyne Zelenskyy ayaa sheegay in Ukraine ay rajeynayso in Soomaaliya ay sii waddo doorkeeda firfircoon ee ay ku leedahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, halkaas oo ay hadda ku jirto xubin aan joogto ahayn.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyay rajo ku aaddan in xiriirka diblomaasiyadeed ee Kiev iyo Muqdisho uu horseedo iskaashi miro dhal ah, gaar ahaan xilligan adkaan iyo isbeddelka dunida ka socda.