U bood dhigaalka

Soomaaliya: Kumannaan qof oo barakacay sababo la xiriira isbeddelka cimilada

Sheeko:War

Hay’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha Amnesty International ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamku ay si joogto ah u guuldarreysteen inay ilaaliyaan kumannaan qof oo ka yimid bulshooyinka ay abaaruhu saameeyeen ee koonfurta Soomaaliya, taasoo muujinaysa in xuquuqdooda cuntada, biyaha, caafimaadka, nolosha iyo mideynta qoysaska lagu tumanayo.

Warbixinta cusub ee cinwaankeedu yahay “Ma jiro roob, ma jiro cunto, ma jiraan xoolo: Saameynta xuquuqda aadanaha ee abaarta iyo barakaca gudaha Soomaaliya” ayaa daaha ka rogtay in u dhaxeysa 2020 iyo 2023, abaaraha ka dhashay isbeddelka cimilada oo ay wehelinayeen colaado iyo takoorka bulshada ay khasbeen kumannaan qof inay ka cararaan deegaanadoodii kuna barakacaan xeryaha dadka barakacay gudaha Soomaaliya, ka dibna qaarkood ay u hayaameen xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya.

Intii ay safarradaas halista ah ku jireen, dowladda Soomaaliya ma aysan bixin wax gargaar ah sida adeegyo caafimaad iyo cunto.

Soomaaliya oo safka hore kaga jirta halista cimilada adduunka

Soomaaliya waxaa lagu tilmaamay inay tahay dalka toddobaad ee ugu nugul isbeddelka cimilada adduunka, iyadoo saameynta ugu weyn ay kasoo baxday waxyeellada bani’aadamka sameeyo
Tigere Chagutah, Agaasimaha Amnesty ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, ayaa yiri:
“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa saameynta isbeddelka cimilada ee ay bani’aadamku keeneen. Inkasta oo Soomaaliya aanay wax badan ku darsan kuleylka adduunka, haddana shacabka Soomaaliyeed ayaa qaadanaya culayska ugu weyn ee dhibaatooyinka cimilada, iyagoo weliba la daalaa dhacaya colaado daba dheeraaday iyo saboolnimo. Dalalka dhaqaalaha badan, gaar ahaan kuwa ugu masuulka badan isbeddelka cimilada, waa inay muujiyaan waajibaadkooda si ay uga taageeraan Soomaaliya la qabsiga saameynta cimilada.”

Warbixintu waxay ku salaysan tahay wareysiyo lala yeeshay 177 qof oo barakac ku tagay xerada Dhadhaab intii u dhaxeysay Sebteembar 2024 ilaa Maarso 2025. Sidoo kale waxaa la wareystay shaqaalaha gurmadka degdegga ah, hay’adaha samafalka, saraakiisha dowladda iyo khubaro ku takhasusay cimilada oo ka shaqeeya ama aqoon u leh nuglaanta Soomaaliya ee abaarta iyo isbeddelka cimilada.