Masar oo dekad cusub ka dhisanaysa dal ku yaalla Geeska Afrika iyo Itoobiya oo ka walaacsan
Waxa jira warar sheegaya in Masar ay qorshaynayso in ay dekad ka dhisato dalka Jabuuti.
Labada dal ee Jabuuti iyo Masar ayaa sannadkii la soo dhaafay kala saxeexday heshiis ifhan oo u oggolaanaya Masaarida hirgelinta hawshaasi.
Tallaabadanay Masar qaadday ayaa timid xilli Itoobiya ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay u heli lahayd marin badeed joogto ah.
Itoobiya ayaa inta badan ku tiirsan dekadaha dalka Jabuuti oo ay kala soo degto badeecadaheeda islamarkaana ka dhoofiso alaabaha.
Khurabaro la socday heshiiskaan ayaa sheegay in aanay weli caddayn sida ay Itoobiya u aragto tallaabdan ay Maasirdu qaadeen ee ah in ay dekad cusub ka dhisanayaan dalka Jabuuti, laakiin waxa ay timaamayaan in dhinca kale ay noqon karto tallaabo walaac amni ka dhalisa gobolka.