Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa safarka dheer ee dalka uu ku marayo hormarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka, kadib markii Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ay si rasmi ah u ansixiyeen xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Guddigan ayaa horey u soo meel mariyey Golaha Wasiirrada iyo Golaha Shacabka, taas oo ka dhigan in dhammaan hay’adaha sharci dejinta ee dalka ay isku raaceen muhiimadda iyo waxtarka ay leedahay in Soomaaliya yeelato hay’ad madax bannaan oo u heellan ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Ansixintani waxay ka dhigan tahay dhameystirka dadaallo muddo sanado badan socday oo looga gol lahaa in dalka uu yeesho nidaam dhisan oo ilaalin kara xuquuqda muwaadiniinta, laguna dhaqangeliyo go’aamadii iyo hannaankii ka soo baxay shirarkii heer qaran ee xuquuqul insaanka.




From the comments