U bood dhigaalka

Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo Maanta Dalka Laga Xusay

Ayadoo sanad walba 21-ka bisha November la xuso maalinta macallinka Soomaaliyeed yaa maanta waxaa dalka si weyn looga xusay maalintaas oo ku beegnayd shalay maadaama ay jumco ku aaday, waxaana madaxda sare ee dalka iyo wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hambalyo ku aaddan maalinta Macalinka ee 21-ka November u dirteen dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale masuuliyiinta dowladda iyo bahda Waxbarashadu ay macallimiinta ku booriyeen inay u dhabar adaygaan howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.

21-kii november ee sanadkii 1974-tii ayaa la asteeyay in maalintaasi ay noqato dharaar sanad walba la xuso, laguna muujiyo kaalinta laf-dhabarka u ah nolosha bulshada iyo hormarka dalka ee ay macallimiintu ku jiraan, taas oo aan la’aanteed tisqaad iyo tillaabsi hormar toona la hawaysteen.

Bareyaasha Soomaaliyeed ayaa haatan ku shaqeeya daruufo adag oo ay kamid yihiin xuquuqda ay helaan oo aad u yar iyo anshaxii ardayda oo is badelay, taas oo barbaarintooda iyo waxbariddooda ka dhigtay howl howkar iyo culays laga maro.