NIRA oo shaacisay tirade rasmiga ah ee qaadatay karaka aqoonsiga qaranka
Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa shaacisay in in ka badan hal milyan (1,000,000) oo qof ay ilaa iyo hadda qaateen Kaarka Aqoonsiga Qaranka, waxaana la xaqiijiyay in dhammaan dadkaas ay si bilaash ah ku heleen kaarka, iyadoo aysan jirin wax lacag ah oo laga qaadayo bulshada.
Diiwaangelintu waxay si buuxda uga socotaa Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Benaadir, halkaas oo dadweynuhu si aad ah uga faa’iideysanayaan adeegga, isla markaana ay dowladda federaalka ku wacyigelinayso muhiimadda uu leeyahay kaarka aqoonsigu.
Si kastaba, gobollada Puntland, Somaliland iyo Jubbaland weli kama bilaaban bixinta kaarka, maadaama ay jiraan arimo siyaasadeed, maamul ama farsamo oo sabab u ah hakadka, iyadoo maamuladaas wali aysan oggolaan in hawsha si toos ah uga bilowdo dhulkooda.