Somaliland oo shaacisay in 37,000 oo shil ay ka dhaceen deegaanadeeda
Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland, Cismaan Afgaab, ayaa soo bandhigay warbixin culus oo muujineysa khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay shilalka gaadiidka ee muddadii shan sano ee ugu dambeysay.
Warbixinta oo lagu faahfaahiyay shir jaraa’id ayaa muujineysa:
37,000 shil ayaa waddooyinka ka dhacay
1,000 qof oo naftooda ku waayay
25,000 qof oo dhaawac soo gaaray
200 milyan oo dollar oo hanti ah oo ku burburtay shilalka
Boqolaal milyan oo dollar oo ku baxay daryeelka dhaawacyada
Wasiirka ayaa sheegay in tiradani ay muujinayaan xaalad degdeg u baahan in wax laga qabto, isaga oo xusay in dowladdu wado qorshayaal lagu xoojinayo amniga waddooyinka, wacyigelinta bulshada, iyo hirgelinta sharciyo adag oo lagu yareynayo shilalka.
Shilalka waddooyinka ayaa sanadihii dambe noqday mid ka mid ah halista ugu weyn ee nafta iyo hantida shacabka Somaliland iyadoo baahi weyn loo qabo hagaajinta jidadka, gaadiidka iyo anshaxa wadayaasha.