Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (EHRC) ayaa sheegay in Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ay xorriyadda u fasaxday 121 qof oo muddo si sharci-darro ah ugu xirnaa saldhigyo kala duwan oo ku yaal deegaanada maamulkaas. Sidoo kale, waxaa cafis loo fidiyay laba wariye oo ka mid ahaa dadka xirnaa.
EHRC ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid muujinaysa in maamulka DDS uu bilaabay inuu wax ka qabto cabashooyin muddo dheer laga muujinayay xarigyada aan maxkamadda la horgeyn, caqabadaha helitaanka caddaaladda, iyo dhibaatooyinka dadka ku jira xabsiyada.
Si kastaba ha ahaatee, Guddigu wuxuu hoosta ka xarriiqay inay weli jiraan arrimo culus oo aan xal loo helin, kuwaas oo u baahan tallaabo degdeg ah. Waxyaabahaas waxaa ka mid ah:




From the comments