Militariga Guinea-Bissau oo sheegay in ay xilka ka rideen Madaxweyne Embaló
Saraakiil ka tirsan ciidamada Guinea-Bissau ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen awoodda dalka, kaddib markii warar soo baxay ay sheegeen in madaxweyne Umaro Sissoco Embaló la xiray.
Wararka ayaa yimid saacado kaddib markii rasaas laga maqlay caasimadda Bissau, halkaas oo ilo dowladeed u xaqiijiyeen BBC-da in Embaló gacanta lagu dhigay.
Saraakiisha millateriga oo ka soo muuqday telefishinka dowladda ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen hannaanka doorashada isla markaana ay iyagu dalka maamuli doonaan “illaa amar dambe”.
Guinea-Bissau waxay sugaysay natiijada doorashada madaxtinimada oo dhacday Axaddii, taasoo muran badan ka dhalatay kadib markii musharrax mucaarad ah laga hor istaagay inuu tartamo. Embaló iyo ninka ugu dhow ee la tartamay, Fernando Dias, labaduba waxay ku dhawaaqeen guul, iyadoo natiijada rasmiga ah la filaayey Khamiista.
Galabnimadii Arbacada, Embaló ayaa u sheegay France 24 in “lafdhabar ahaan xilka looga qaaday”, xilli mar kale rasaas laga maqlay Bissau 13:00 GMT.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in boqolaal qof ay si degdeg ah u carareen iyagoo lug iyo gaari wata, si ay uga baxsadaan rasaasta ay AFP soo xigatay.
General Denis N’Canha oo ah taliyaha ilaalinta madaxtooyada ayaa soo akhriyay bayaan uu ku shaacinayo in ciidamada ay sameeyeen “Guddiga Sare ee Milatariga ee Soo Celinta Kala-danbaynta” wuxuuna ku dhawaaqay xiritaanka xuduudaha dalka.
N’Canha wuxuu shacabka ku amray inay “deggenaadaan”.
Warar kale ayaa sheegaya in marka laga soo tago madaxweynaha, saraakiisha ilaaladiisa iyo qaar ka mid ah wasiirrada la xiray.
Guinea-Bissau, oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan dunida, waxay la kulantay sagaal afgambi ama isku day afgambi tan iyo 1980.
Madaxweyne Embaló ayaa hore u sheegay inuu ka badbaaday dhowr isku day oo xilka looga tuuri lahaa, hase yeeshee mucaaradku waxay ku eedeeyaan inuu abuuro xaalado qalalaase si uu u adkeeyo caburinta mucaaradka.
Dalka oo leh ku dhowaad laba milyan oo qof ayaa sidoo kale Qaramada Midoobay ugu yeertay “narco-state”, sababo la xiriira kaalmaynta uu ku leeyahay ka ganacsiga daroogada nooca cocaine-ka oo Latin America uga gudba Yurub.