Labo markab oo shidaal qaada, kana tirsan maraakiibta Ruushka ee loo yaqaan shadow fleet, ayaa lagu qarxiyay meel aan ka fogeyn xeebaha Turkiga ee Badda Madow.
Markabka Kairos iyo kan Virat, oo horey ugu jiray cunaqabateynta Mareykanka iyo Midowga Yurub, ayaa weerar culus la kulmay kadib markii, sida uu sheegay kabtanka mid ka mid ah maraakiibta, diyaarad aan duuliye lahayn (drone) lagu dhuftay.
Markabka koowaad ayaa si daran u burburay iyadoo wararka hordhaca ahi sheegayaan inuu ku dhow yahay inuu quuso. Si kastaba ha ahaatee, shaqaalihii labada markab waa la badbaadiyay, waxaana markab kale oo u dhowaa uu qaaday inta badan shaqaalaha.




From the comments